Dhageyso Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Waqtigiisa Sii Dhamaanaya Oo Ka Hadlay Dib U Dhaca Doorashada Dalka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka fedaraalka ee waqtigiisa sii dhamaanayo ayaa waxa uu ka hdlay dib u dhaca ku imaan kara doorashadii la filayey in ay ka qabsoonto dalka.

Mudanahan ayaa sheegay in Madaxda Madasha Wadatashiga ay ku mashquuleen howlo kale iyagoo looga fadhiyey in ay jaan gooyaan waqtiyadii ay ku qabsoomi lahaayeen howlaha kala duwan ee hor yaalla.

Waxa uu intaa ku daray in shirarka iyo safaro loo aadayo dalka dibadiisa loo diri karay Wasiiro ama xubno ka tirsan dowlada, si Madaxda ay usii wadaan dadaalada lagu hirgelinayo arimaha doorashooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE