Ciidamada Deegaanka Oo Howlgal Ka Wada Deegaanada Duleedka Ka Xiga Degmada Qoryooley

Dagaalyahaano daeegaanka ayaa howlgal ballaaran waxa ay ka wadaan deegaano duleedka ka xiga degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalka ayaa lagu soo waramayaa in saake aroor hore uu ka bilowdey deegaanada Haben hore ay la wareegeen Ciidamada deegaankaas, waxaana ka mid ah Farxaane iyo Buulo sheekh.

Dadka halkaas ku dhaqan ayaa tilmaamaya in howlgallada ay ka qeyb qaadaayaan Ciidamo dhawaan Tawabar loogu soo xirey Shabeelada hoose kuwaas oo loosoo Carbiyey sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaano kala duwan oo ku yaala Shabeelada hoose.

Ciidamada deegaanka ah ee uu horkacayo Hogaamiye Sheekh Saalax Xaaji Ibraahim ayaa shalay dagaal kooban la galay Maleeshiyaad Dabadhilif ah oo ka shaqeeya danaha Mooryaanta oo sanadihii dambe lagula dagaalamayey deegaanada Shabeelada hoose.

Sida aan ku heleyno warbixino hoose waxa jira shirar iyo kulamo hogaamiyaha uu la leeyahay dadka halkaasi ku dhaqan oo ay ka wada hadlayaan sidii loo dhisi lahaa Maamul awood leh oo ka shqeeya soo celinta Nidaamka iyo kala dambeynta.

Bartamihii Sanadii lasoo dhaafay ayaa Maleeshiyaad Laba Kaarlayaal ah, waxaay dagaal kula wareegeen deeganada ay maamulayeen Ciidamada Sheekh Saalax, waxaana bilihii ugu dambeeyey uu ku jirey abaabul iyo is Urursi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE