Madaxweynaha Puntland Oo Garowe Kulan Kula Qaatay Qurba Joogta Deegaanadaas (Sawiro)

Maadaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay qurba joogta kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jubba ee magaalada Garowe ayaa waxa kasoo qeyb galay Marwada Madaxweynaha, Agaasimaha Hey’ada Qurba joogta, Afahayeenka Qurba joogta iyo wakiillo Puntland u fadhiya dowladaha saaxiibka la ah Maamulka.

Inta uu socday kulanka ayaa labada dhinac si qoto dheer waxay uga wada hadleen iskaashiga iyo dejinta qorshe lagu hormarinayo adeegyada Bulshada iyo Maalgashiga si loo kobciyo dhaqaalaha Puntland.

IMG_1025 IMG_1028 IMG_1038 IMG_1040 IMG_1043 IMG_1044 IMG_1048 IMG_1053 IMG_1055 IMG_1057 IMG_1063 IMG_1065 IMG_1067 IMG_1068

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE