Odayaasha Iyo Waxgaradka K/Galbeed Oo Madaxweyne Shariif Ku Eedeeyey Fargelinta Shaqadooda

Odayaasha iyo Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanada Koonfur galbeed ayaa mar kale eedeymo usoo jeediyey Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxgaradkan oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhaba ayaa eedeymahooda u cuskaday fara gelin ay sheegeen in uu ku haayo hogaamiyaha Maamulka Shariif oo ay ka qabsoomi waayeen howlaha Odayaasha horyaala.

Arimaha hada taagan ee lagu eedeye Shariif ayaa waxa ka mid ah siday ku doodayaan in Odayaasha ay u badax banaaneyn shaqooyinkooda caadiga ee ruqsad u siinaya in ay xulaan Baarlamaanka dowlada soo socota ee laga dhisayo Soomaaliya, isagoo arimahaas oo dhan u adeegsanaya danahiisa gaarka ah.

Odayaasha  ayaa intaa ku daray  in iyaga ay Gacanta ku hayaan Soo Xulista Xildhibaanada Soo socda Ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana ay intaa ku dareen in Madaxweynaha laga doonayo inuu Faragalinta Joojiyo.

Waxa  jirey eedeymo Madaxweynaha Maamulka K/glabeed loosoo jeediyey, isagoo inta badan faraha kula jira shaqa kasta oo ka socota deegaanada Maamulkiisa hoos yimaada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran