Wax Ka Baro Mukulaal Madowga Cusub Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Ee Marka Iyo Mooryaanta Ka Howlgasha (Warbixin)

Shirkadda Hormuud oo lagu tiriyo tan ugu tunka weyn shirkadaha ka howlgala Koonfurta Soomaaliya ayaa sandiihii dambe waxay noqotay mid si weuyn ay ugu caawdaan dadka dega Gobolka Shabeelada hoose.

Cabashooyinkan ayaa yimid ka gadaal markii shirkadda ay gashay dagaal toos iyo mid dadban oo ay ku curyaamineyso deegaanka islamarkaana ay ku fulineyso danaha Hawiye oo shirkadda u ah lama taabtaan.

Shirkadda Hormuud 18- kii sano ee lasoo dhaafay waxa Shabeelada hoose Mukulaal madow uga ahaa nin markii dambe isku bedelay hogaamiye kooxeed oo lagu magacaabo C/kariin Siyaad Shiino, ninkan markii ay kululaadeen dagaalada Mooryaanta iyo dadka deegaanka waxa uu isaga cararay dhismihii uu mukulaal madowga ka ahaa.

Shaqadii uu haayey ayaa wuxuu ku wareejiyey nin kale oo isku jufa ay yihiin ayna kasoo wada jeedaan Miyiga Cadaado, shakhsigan ayaa ka qarsoonaa inta badan Shacabka reer Marka hase ahaatee shartiisa waxay soo ifbaxday markii la waayey Hogaamiye kooxeed C/kariin Shiino.

Maxamuud Cismaan Cali (Kharaf) ayaa inta badan laga yaabaa in ay dadka ku yaqaan shirarka shirqoolada loogu dhigaayo Ciidamada deegfaanka, laakiin waa shakhisga ku simaha sii ah Mukulaal Madow C/kariin Shiino.

Wuxuu madax u yahay shakhsiyaadka dhaqaala Ururinta u qaabishan Mooryaanta xooga ku joogta Guriga Burcad badeeda oo horey uu degenaa Maamulkii Marka ee dagaalka looga saaray.

Dhowr jeer ayaa waxa jirey dacwado ay gudbiyeen dadka deegaanka oo ku saleysnaa in shirkadda hormuud ay kala cadeyso dagaalka ay kula jirto dadka deegaanka iyo hogaamiye kooxeed Kharaf oo lagu wareejiyey shaqada shirkadda.

Waxa sidoo kale jira shakhsiyaad ka tirsan Mooraanta marna waardiye ka noqda shirkadda ama qaata shiftiga, mwaxayna kala yihiin Mooryaan Qoslaaye C/kariin Shiino  iyo Ciise Warsame Xalane.

Qoslaaye C/kariin Shiino ayaa ku lug lahgaa dilkii magaalada Marka gudaheeda gaar ahaan suuqa Sarif laha loogu geystay AUN Marxuum Maxamed Cabdi Deeq.

Mooryaanka kale ee lagu magacaabo Ciise Warsame Xalane oo ka mid ah ragii shirkadda uu ku barbaariyey mukulaal madow C/kariin Shiino, ninkan ayaa sida ay tilmaameyso xog horey loo helay waxa qeyb uu ka ahaa dilkii loo geystay AUN marxum Xasan Maxamed Abow (Xasan Qaran) oo ay isku shaqo ahaayeen.

Waa maalintii seddaxaad oo hawada magaalada Marka ay ka maqantahay shirkadda Hormuud, waxaana hawada ka saaray dhalinyaro careysan oo kasoo horjeeda dagaalka shirkadda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE