Xildhibaano Ka Tirsan K/Galbeed Oo Mooshin Ka Keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Maamulkaasi (Video)

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka K/galbeed ayaa mooshin ka keenaya Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulkaas C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Xildhibaandan ayaa ku doodaya in Gudoomiyaha Baarlaamnka uu ka gaabiyey dardargelinta howlaha baarlamaanka hor yaalla, waxa sidoo kale jira xildhibaano dood ka keenay in hey’ad si gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo GALOOL COMPANY lagu wareejiyey qaadista canshuuraha 1Gobolka Baay .

Lama oga sida uu ku suura geli karo mooshinka ay sheegeen in ay soo gudbiyeen xildhibaanada gaaraya ilaa 32 mudane oo ka mid ah Baarlaamaanka tiradiisa gaareyso 149-ka mudane.

Tan iyo markii lasoo dhisay Baarlamaankan ayaan jirin kulamo ay ku yeesheen xarunta loogu talagay, waxaana jira in inta badan ay ku maqanyihiin howlahooda caadiga ahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran