Deg Deg Weeraro Ismaadaamin Ah Oo Lagu Qaaday Xarunta Dambibaarista CID-da Ee Magaalada Muqdisho

Waxa weerar ismaadaamin ah goor lagu qaaday meel ku dhow xarunta CID-da oo ku taalla agagaarka Isgoyska nambar 4 ee magaaalada Muqdisho.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in laba baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xirey lagu weeraray xarunta dambi baarista Boliiska ee loo yaqaan CID, waxaana sidoo kale jira rasaas toos ah oo loo maleenayo inay ka dhaceyso gudaha xarunta.

Goobta la weeraray oo kasoo horjeeda Hotel Saxafi ayaa gelinka hore waxay tahay mid aad u mashquul badan waxaana lagu qabtaa shaqoyin kala duwan, sida baarista dadka halkaasi ku xiran iyo sameynta warqadaha lagu raadsado dhalashada.

Wixii warara ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE