Degmada Baraawe Oo Kusoo Biirtay Degmooyinka La Musuqmaasuqay Rashiinkii Gargaar Ee Loogu Talagalay

Waxa inta badan maalmihi lasoo dhaafay xarumaha Maamulada degmooyinka Shabeelada hoose qabsaday sheekada ah musuqmaasuaa lagu kalacay raashiin gargaar oo dowlada Turkiga ay ugu talagashay in lagu samata bixiyo dadka tabaaleysan ee ku nool Soomaaliya.

Raashiinka gargaar ee loogu talagalay degmooyinka Shabeelada hoose ayaa waxa suuq madow ku iibsaday wasiiro ka tirsan maamulka K/galbeed, xubno ka tirsan maamulka Gobolka iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka qaarkood.

Hadal warbaahinta uu horey usiiyey Gudoomiye Maxamed Cismaan Cali Yariisow ayaa dad badan ay ku baraarugeen, waxaana hadalka uu ku sheegay in Shabeelada hoose dhibaatada iyo darxumida ka jirta ay tahay mid heshiis lagu wada yahay.

Sida la wada ogyahay degmada Wanlaweyn kaligeed ayaa nasiib u heshay in  la geeyo wax ka yar intii TAN ee loo qoondeeyey, qeybinta raashiinkaas ayaa waxa socday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax, ninka taabsaday jagada ku xigeenka Amniga Cali Takfiir, ku xigeenka dhaqaalaha nin magaciisa lagu soo koobay C/fataax iyo xubno kale.

Magaalooyinka Marka iyo Afgooye ayaa raashiinkii loogu talagalay dadka iibsaday waxa lagu kala sheegay Cabdullaahi Muuse Abuukar wasiirka Arrimaha Gargaarka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka K.Galbeed Maxamed Sheekh Cumar Black,  Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulkaas Xuseen Cali Xaaji iyo Guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumareey.

War saacadihii dambee ee shalay soo baxay ayaa tilmaamaya in Degmada Baraawe ay ka mid noqotay degmooyinka raashiinkooda la musuqmaasuqay islamarkaana lagu iibsaday suuqyada Afgooye.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE