Dhageyso Nabadoon Bogaadiyey Weerarkii Lagu Qaaday Shirkadda Hormuud Faraca Degmada Marka Isagoo Sheegay In Shirkadda Hormuud Aanay Marna Waxba U Qabanin Dadka Degmada Marka

Nabadoon Cabdi Cismaan Cali oo ka mid ah waxgaradka degmada Marka ayaa isagoo uga waramaayey Radio Dalsan weerar niman dhalinyaro reer Marka ah ku qaadeen xarunta shirkadda Hormuud ee magaalada Marka ayaa sheegay inay haboon tahay in shirkadda Hormuud la bililiqeysto.

Nabadoonka ayaa sheegay in shirkadda Hormuud oo in ka badan 20 sano ka macaasheysay shacabka degmada Marka aysan weligeed barnaamij horumarineed ka fulinin degmada Marka iyo deegaanada ku hareereysan isagoo tusaale u soo qaatay in shirkadda Hormuud ay marwalbo arkaan iyadoo deegaano kale mashaariic horumarineed ka fulineyso.

Sidoo kale sababaha loo weeraray shirkadda Hormuud faraceeda magaalada Marka waxaa ka mid ah Nin reer Cadaado ah inay magaalada Marka u soo wakiilatay iyadoo ay joogaan dadkii deegaanka. Ninkan Hormuud soo wakiilatay oo lagu magacaabo C/Kariin Shiino ayey shacabka deegaanka ku eedeeyeen inuu magaalada Marka ku soo daabulayey sanadihii ugu dambeysay  mooryaan reer Galgaduud ah oo dhiibaato ba’an ku haayso dadka deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE