Faafaahin Weerarkii CID-da Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka

Faafaahinno kala duwan ayaa kasoo baxay weerar qaraxya ah oo maanta lagu qaaday xarunta Dambi baarista Boliiska ee CID oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in ruux watay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku dhuftay albaabka xarunta intaa ka dibna dabley damacday inya gudaha u galaan xarunta ay bilaabeden rasaas xoogan.

Ilaalada dhismaha ayaa la sheegay in ay ka hor tageen dableyda gudaha gali rabtay waxaana la sheegayaa in ay toogteen ilaa seddax dabley, sida bartiisa arimaha bulshada uu ku sheegay wasiirka Amniga xukuumada fedaraalka in ilaalada ay toogteen seddax ruux oo sida uu hadalka u dhigay dooneysay inay gumaad geystaan.

Saraakiil ajaanin ah ayaa la sheegay in ay baaritaan ku haayso weerar oo sida la aaminsanyahay loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xirey.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka halka in ka badan 15 ruux uu kasoo gaaray dhaawac kuwaas oo loo qaaday xarumaha Caafimaadka.

Sida ay baahiyeemn qaar ka mid ah warbaahinta waxa weerarkan sheegaty dagaalyahaanada Shabaab oo weli aan faafaahin ka bixin qaraxyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran