Maamulka Shirkadda Hormuud Oo Diiday Inay La Kulmaan Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Kasoo Jeeda Beesha Biimaal (Warbixin)

Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud  ee fadhiya laanta ugu weyn koonfurta soomaaliya oo  ku taala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa diiday in ay la kulmaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka oo kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Intii lagu guda jirey bishii Ramadaan ee naga soo dhamaatay waxa jirey codsi ay guydbisteen Xildhibaanada Beesha Biimaal ee Todobada gaaraya kaas oo ay ku weydiisteen Maamulka Shirkadda Hormuud in ay la kulmaan.

Ujeedada ay xildhibaanada u weydiisteen kulanka Maamulka Hormuud ayaa ku qotomay in labada dhinac ay ka wada hadlaan tabashooyin ay soo gudbiyeen dadka deegaanka oo ahaa in shirkadda ay ka haaysanin adeegyadii ay bulshada u baahnaayeen ayna hayaan cadeymo ku saabsan dagaalka shirkadda ay ku lugta leedahay.

Maamulka Hormuud ayaa soo jeediyey in ay kulanka ka dhigayaan Maalinta labaad ee Ciiddul fidriga oo ku began labada bisha Shawaal, waxaana lagu ballamay Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Sida nagu soo gaartay warbixin hoose Maamulka Hormuud ayaa kulamo hoose la qaateen hogamiye kooxoodyo uu hogaaminayo C/kariin Shiino kuwaas oo madaxda ku cadaadiyey in ay hakiyaan kulanka Xildhibaanada, mana la oga sababta ay arintaas ku dhacday.

Markii la gaaray xilligii balanta ayaa ragii dadka balamiyey ee xiriirinayey Mas’uuliyiinta Beesha Biimaal iyo Maamulka Hormuud waxa ay heleen fariin ah in dib loo dhigay ama laga laabtay shirkii ama kulankii lagu balansaanaa.

Xildhibaanada balanta kulanka looga baxay ayaan weli wax go’aan ah soo saarin.

Arimahan ayaa inaamaya iyadoo shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo dadka deegaanka Marka ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dhaqaalaha Hormuud ay ku bixineyso dagaalada dhul boobka ee laga wado Shabeelada hoose.

Dhanka kale dhalinyaradii careysneyd ee hawada ka saaray shirkadda Hormuud faraceeda Marka ayaa ku goodiyey in ay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah hadii maamulka shirkadda uu la imaan waayo isbedel deg deg ah.

Maamulka Hormuud ayaa markan dareemay culeyska ay leedahay shaqada ay faraha la galeen, waxa gabi ahaanba lagala wareegay shaqadii kasocotay qeybta Buurta ee magaalada Marka.

Untitled

Waxa ay hada raja ka qabaan in ay kiciyaan xarumha hoose ee magaalada oo ay aaminsanyihiin in aanay tagi Karin dhalinyarada tallaabada qaaday, waxaana jira hanjabaado la gaarssiyey madaxda qaar oo loo sheegay in meel kasta tallaabo looga qaadayaan Hormuud hadii aanay la imaana tallaabooyin cad cad oo ay ku qancaan dadka deegaanka.

Sida ay tilmaameyso warbixin maanta aan helnay waxa jirey isku dhac kooban oo dhexmaraya dhalinyarada hawada ka saartay shirkadda iyo kooxo burcad ah oo uu soo direy Mukulaal madow C/kariin Shiino, isku dhacaas ayaa sida la tilmaamayo waxa dhaawac uu kasoo gaaray hal ruux, waxaana Maamulka Hormuud la ogeysiiyey in ay kasoo jawaabaan Ficillada ay weli qaadayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran