Madaxweynaha Puntland Oo Ay Wehliyaan Shacab Tira Badan Ayaa Soo Dhaweyn Ballaaran U Sameeyey Xulka K/cagta Ee Puntland (Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Garoonka diyaaradaha ee Konoco ee duleedka magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey xulka kubbadda cagta Puntland, kuwaas  oo dhowaan ku guuleystey koobkii ciyaaraha ee u dhexeeyey dawladda Puntland iyo dawlad goboleedyada dalka.

Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qayb qaatay Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaalk,kan degmada Garoowe, saraakiisha kala duwan ee ciidanka iyo kumannaan dadweyne ah oo ku labbisan Calanka Puntland iyo kan Soomaaliya, kuwaas oo ay ka muuqanaysey farxad aad u sarraysa.

IMG_1421 IMG_1439 IMG_1468 IMG_1480 IMG_1497 IMG_1515 IMG_1527 IMG_1601 IMG_1718 IMG_1733 IMG_1776 IMG_1779 IMG_1820 IMG_1845 IMG_1859 IMG_1865

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran