Milateriga iyo Sirdoonka Turkiga Oo La Hoos Ggaynayo Madaxweynaha

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa qorsheynaya inuu xakameeyo awoodaha Milateriga iyo Sirdoonka, isla markaana ay toos u hoos-yimaadaan, kadib isku daygii afgambi ee dhicisoobay bartamihii bishan.

Erdogan ayaa sidoo kale doonaya in la xiro xarunta tababarka Ciidamada Milateriga, iyadoo tallaabadan la sheegay inay qeyb ka tahay howl galadii ka dhanka ahaa Ciidamada lagu eedeynayo inay ka qeyb qaateen isku dayga Afgambiga. “Waxaa la xirayaa dhamaan Iskuulada Milateriga, waxaa la aas aasi doonaa Jaamacado lagu barto difaaca qaranka”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Qorshaha la doonayo in Sirdoonka Qaranka iyo Taliyaha Milateriga lagu hoos-geeyo Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay inay aheyd soo jeedin markii hore ka timid Baarlamaanka. “Haddii uu Baarlamaanka ansixiyo arrintan, si toos ah ayaa Madaxtooyada loo hoos-keenayaa Sirdoonka Qaranka iyo Taliyaha Milateriga”ayuu yiri Mr Erdogan oo la hadlayay sabtidii shalay Telefishin maxali ah oo laga leeyahay Turkiga.

Tan iyo markii uu fashilmay isku daygii afgambi, dowladda Turkiga ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xir xirtay kumanaan ruux, shaqadana looga joojiyay kumanaan kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE