Saraakiisha Amaanka Ee Muqdisho Oo Sheegay In La Toogtay Kooxihii Weeraray CID-da Iyo Sawiro Hordhac Oo Laga Helay

Saraakiisha Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa si deg deg usoo saaray warara sheegaya in ay toogteen dhamaan dagaalyahaanadii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday xarunta CID-da ee ku taalada isgoska Nambar 4 ee magaalada Muqdisho.

War ay baahisay wakaalada wararka ee Sona ayaa lagu sheegay in la toogtay laba dabley oo dooneysay in ay gudaha u galaan xarunta dambi baarista hadana halkaas hada ay ku suganyihiin Cioidamada boliiska.

Ma cada khasaaraha ka dhashay weerarka oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey xilli xarunta ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Warar hordhac ah oo la helaayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay ku geeriyoodeen weerarka kuwaas oo isugu jira dad shacab ah oo goobta ka ag dhawaa Ciidamada ilaaladada xarunta, waxaana sidoo kale jira dhaawaca intaasi kasii badan.

Sawiro hordhac oo la helay ayaa muujinaya in albaabka hore ee xarunta lagu dhuftay gaariga koowaad kaas oo burburiyey dhismaha qeybtiisa hore.

13680599_1194454593966793_5274612250165031101_n 13887107_1194454607300125_7193653625179237171_n 13900306_1194454823966770_8887400413860479604_n 13902819_1194454600633459_1742545771361559864_n

12-7 12-7-1 13-3 13-3-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran