Wararkii Ugu Dambeeyey Weerar Khasaare Dhaliyey Oo Lagu Qaaday Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in halkaas weerar khasaare geystay lagu qaaday fariisn ay ku sugnaayeen Maleeshiya beeleedka dowlada.

Wararka ay heleyso shabakada Markacadey ayaa sheegaya in weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe lagu qaaday fariisin ku yaalla wadada aada dhanka deegaanka Mareeray oo ku dhawaad shan km u jira Afgooye.

Kooxo hubeysan ayaa sida wararku tilmaamayaan weerarka u adeegsaday rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku ekeeyeen fariisinka Maleeshiyada ku sugnaayeen.

Lama hubo khasaaraha halkaas ka dhashay, waxaana dad goob joogayaal ah ay saake warbaahinta u sheegeen  in loo diiday isticmaalka wadadaasi oo inta badan ay maraan dadka taas oo keentay tuhun ah in la qarinayo khasaarah goobta ka jira.

Degm,ada Afgooye oo ay ku suganyihiin Maleeshiyo beeleed ka amar qaata dowlada Nuqdisho ayaa dhibvaato aan kala go’laheyn ku haya Shacabka.

Dhanka kale weli ma jirto cid shegatay mas’uuliyadda weerarka hasae ahaatee Afgooye maalihii lasoo dhaafay waxa ka socday weeraro kala duwan oo kala qaadayeen dagaalyahaanada Shabaab iyo kooxo kasoo jeeda deegaanka kuwaas oo ka gadoodsan dhibaatada deegaanka ka jirta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE