Aqri Erayada Dhaliyey “Heesta Jaceyl Dhiig Malgu Qorey” Ee Loo Soo Direy Fanaanada AUN Xaliima Khaliif

Abwaan Hadraawi iyo koox fanaaniin ah oo jooga guriga Xaliimo Khaliif
Magool AUN ayaa waraaq loo keenay Xaliimo, ka dib way la kacday, waxa
ay la gashay qolkeedii Hurdada, ka dibna waxa ay u yeedhay Abwaan
Hadraawi. Waraaqan loo soo diray Magool waxa ay ku qoran tahay
Af-carabi, Xaliimana waxa ay ogayd inuu Hadraawi reer Cadmeed ahaa oo
uu Af-carabiga si fiican u akhriyi karo.

Magool waxa ay Hadraawi ka
codsatay inuu waraaqda u micneeyo.

Waraaqaddu waxa ay ku qoran tahay Khad cas oo aad moodo midabka
dhiiga.Abwaan Hadraawi oo ka hadlaya arrintaasi ayaa yidhi” Xaliimo
waxa ay ii dhiibtay.
Waraaqadaasi oo furan iyada (Magool) lama hadlin, waxna umaan sheegin,
waxaanan ku keliyeystay akhriskii waraaddam aniga oo doonaya in aan ka
bogto ilaa dhammaadkeeda.

“Magool way I dul taagan tahay, I eegaysaa,
waanay I sugaysaa” Abwaan Hadraawi wuxuu waraaqdii kala kulmay arrin
aanu filanayn.

Waxa ka soo baxay erayo xambaarsan halis jacayl oo
xeel-dheer.

Abwaan Hadraawi oo sii wada sharaxaada waraaqdda ayaa yidhi “markii
aan ka gudbay sharraxaadddii uu iska bixinaayey ninka waraaqdda soo
diray, ujeedadii iyo halka uu ka soo diray, ayaan gaadhay saddarro uu
kaga warramayo waraaqddiisa, kuna leeyahay” “’Khadka cas ee waraaqdda ku
qorani maaha qalin cas’, waxaan soo qaaday qalabka seriijka loo yaqaan
ee dadka dhiigga lagaga soo qaado,Xididdadayda ayaan mid dalooliyey,
dhiiga ayaan ka soo qaaday. Qalinka lagu magacaabo ABU SAKAABA, ayaan
ku shubay”.

Waan xidhay, waxaanan kuugu soo qoray waraaqadan”.Abwaan Hadraawi waxa
ku cuslaatay arrintaasi, waxaana ku adkaatay wixii uu Magool u sheegi
lahaa. Aakhirkii Abwaan Hadraawi wuu u sheegay Xaliimo wixii uu kala
kulmay waraaqdda, waraaqdiina wuu u dhiibay, waanay qaadatay”. Abwaan
Hadraawi wuxuu ugu dambayntii sheegay oo yidhi “ Ma garanayo sidii ay
ka yeeshay Xaliimo waraaqdaasi iyo in ay rumaysatay wixii ku qornaa”.

Waraaqdaasi waxay ay abwaan Hadraawi ku reebtay saamayn balaadhan.
Isagoo ka hadlaya raadka weyn ee ay maskaxdiisa ku reebtay wuxuu
yidhi” waxa aan dareemay in jacaylka oo aniga dheel dheel iigu muuqan
jiray, uu yeelan karo helista intaasi leeg, gaadhina karo heerkan
sidaasi u sii sarreeya.

Waxaan sii dhadhansaday in jacaylku wax dulleyn karo, looguna
badheedhi karo in nafta loo huro amma uu keeni karo wareer, walbahaar
iyo waalasho.” Abwaan Hadraawi muddo dheer ayey hor taallay sidii uu
ka yeeli lahaa qisadaasi, aakhirkiina waxa ay talo kaga soo ururtay
inuu ka yaabiyo, ninkaasi isaga ka yaabiyey. Ka dib Abwaan Hadraawi
wuxuu curiyey heesta caanka ah ee la yidhaa” JACAYL DHIIG MA LAGU
QORAY”, oo ka hadlaysa in jacaylka dartii lafta loo jebinayo oo dhuuxa
laga soo saarayo.

Heestu waxa ay tusaale cad ka bixinaysaa laba qof oo is-jecel oo muddo
dheer kala maqnaa, oo si kedis ah isaga soo horbaxay meel cidlo ah. Ka
dibna isku naxa, iskuna farxa oo is-hortaagnaada ilaa uu aboor ka baxo
jidhkooda, kana dhameeyo dhiigii iyo dheecaankii ku jiray jidhkooda.

Aakhirkana uu aboorku ka dhiayo dundumo weyn, oo dadku ka dhadhsadaan
cadeeda, iyagoo dadkuna aanay ogayn in halkani ay tahay goob laba qof
isku sugayaan. Heestan waxa codkeeda ku qaaday Xaliimo Khaliif Magool
lafteeda. Beyd ka mid ah heesu waa: jacayl dhiig ma lagu qoray, weli
dhuux ma loo shubay, qofna saanta dhabarkiyo, ma u dheegay feedhaha,
dhabannada cad ma laga jray, hadalkii ma lagu dhigay…………………..

Hoos Ka Daawo Heesta Jaceyl Dhiig Malugu Qorey

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE