Dhageyso Madaafiic Xalay Lagu Weeraray Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Baydhaba

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in xalay qeybo ka mid ah lagu weeraray Madaafiic.

Madaafiicda oo laga soo tuuray daafaha magaalada ayaa aad u saameeyey xaafadaha Wadajir iyo Howlwadaag ee Baydhaba waxaana ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah Gudoomiyayaasha Xaafadaha Baydhaba ayaa Mafaadaafiicda ku eedeeyey dagaalyahaanada Shabaab oo ku sugan meel aan ka fogeyn Magaalada Baydhaba waxaana uu sheegay in Shabaab hadafkooda uu yahay in ay wax dilaan oo aanay u kala baxsaneyn Askari iyo Shacab.

Gudoomiyaha ayaa khasaaraha Madaafiicda ay geysteen ku sheegay dhimashada Gabar yar iyo seddax dhaawac ah, dhaawacyada ayaa la geeyey Isbitaalka Baydhab si loo dabiibo.

War lagu baahiyey Mareegta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in xarumo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya iyo xarunta Shariif Xasan Madaafiic lagu garaacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran