Dhageyso: Heesta “Doqonow Jacayloow” Ma Hees Jaceyl Mise Waa Hees Siyaasadeed?

Heestan la magac baxday “Doqonow Jacayloow ” oo laxankeeda uu leeyahay AUN Maxamed Mooge Liibaan ayaa  waxaa alifay Abwaan Cali Saleebaan Bidde Alle ha u naxariistee. Siyaasiyiintii xiligii la sheekeystay AUN Abwaan Cali Saleebaan Bidde wuxuu u sheegay in ereyada “Doqonow Jaceylow” uu ula jeeday madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo uu cadaalad darro ka tabanaayey.

Heestaan oo ay aad u jecel yihiin dhalinyarada soo barbaareyso ayaa horraantii 1980-kii soo shaac baxday xili dalka Soomaaliya ay ka jirtay Caburin iyo Cadaalad darro sida uu sheegay Abwaanka. Sida miraha heestan siyaasadeed laga dhadhansanaayo waxaa halis ku jirtay xurriyadda shakhsiga iyo in dadka is arkaan oo sheekeystaan.

Hoos ka Akhriso Miraha Heesta haddii aad rabto

Intaan dunidu joogiyo,

ilaa Daa’in abidkay,

Duulkaa haweenkaa,

Oo uu daaray caashaqu,

Ama uu kal-gacal dilay,

Dadkii hore ma sheegine,

 

Doqonoow jacayloow,

Sawdigii Cilmiba dilay,

Qaysoon denbiba galin,

Iil dubuq ku siiyee,

Ismaaciilna diiq galay,

Dumarkaba ma layside,

Ma ragg-un baa laguu diray,

Oo laguugu daw galay?

 

Dadka uma sinnaatide,

Daandaansigaagiyo,

Markaa aad danqaabada,

Lagu dayo nin liitana,

Dakanooyin tuugiyo,

Digniin aan lagaa qabin,

 

Doqonoow jacayloow,

Sowdigii Cilmiba dilay,

Qaysoon denbiba galin,

iil dubuq ku siiyee,

Ismaaciilna diiq galay,

Dumarkaba ma layside,

Ma ragg-un baa laguu diray,

Oo laguuugu daw-galay?

 

Nin kastooy dantiisii,

Geedo ay ku dabartaba,

Adigaa dirqiyayoo,

Da’dan haatan joogtana,

Anigaw dambeeyoo,

Dow kaama sugayee,

 

Doqonoow jacayloow,

Sowdigii Cilmiba dilay,

Qaysoon denbiba galin,

iil dubuq ku siiyee,

Ismaaciilna diiq galay,

Dumarkaba ma layside,

Ma ragg-un baa laguu diray,

Oo laguuugu daw-galay?

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran