Wadaad Imaam Ka Ahaa Masjid Ku Yaallo New York Iyo Saaxiibkiisa Oo Toogasho Lagu Dilay

Wadaad muslim ah isla markaasina Imaam Masjid ah iyo saxiibkiisa ayaa lagu dilay magaalada New York ee dalka Maraykanka iyagoo xiliga la dilaayey kasoo baxay masjidka.

Dhagar-qabe hubeysan ayaa gadaal ka soo maray kadibna madaxa ka toogtay Imaamka iyo saaxiibkii oo aan qabin dareen ah in la dilaayo

Labadda qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maulana Akonjee oo 55 jir ahaa isla markaasina Imaam ka ahaa Masjidka iyo Tharaa Uddin oo 64 jir ahaa.

Booliiska ayaa ku raadjooga ninka dilka geystay oo laga arkay muuqaal isaga oo ragga tooganaya, kadibna la cararaya bistooladii uu ku dilay.

Dad fara badan oo Muslimaan ah ayaa isugu soo baxay magaalada New York, kuwaasi oo dalbanayey in sharciga la hor keeno dambiilaha oo ay sheegeen inuu ahaa nin Naceyb u qabo Muslimiinta (Hate Crime).

Cabsi badan ayaa ka jirta dalka Maraykanka taasi oo ku aadan Muslim nacaybka sii kordhaya, kaasi oo masuuliyadiisa dusha looga tuurayo xisbiga Jamhuuriga oo uu Murashax u yahay Donald Trump.

Imam
Maulana Akonjee

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE