Isku shaandeyntii Golaha Xukuumada Madaxwayne SIILAANYO Iyo Aragtida Suldaan Abdikariin Farah DULMI DIID

Waxaan marka hore aad iyo aad u soo dhawaynayaa xilalka cusub ee loo magacaabay masuuliyiinta kasoo jeeda gobolada bariga JSL.
Wanan ku hambalyeynayaa madaxwaynaha JSL xilalka culus ee uu u magacaabay masuuliyiinta kasoo jeeda gobolada bariga SOMALILAND oo ay ugu horeeyaan
Wasiirka arimaha gudaha JSL pro.Yaasiin X Maxamuud Xiir Faratoon.

Taliyaha ciidanka ilaalada
xeebaha iyo bada ee JSL
Sareeyo Guuto Abdi Xirsi Ducaale.

Sareeyo Guuto Saleebaan bare Xasan abaan duulaha ciidanka qaranka JSL……………………..

Gudoomiyaha gobolka MJeex (wuqooyi galbeed)
Mudane Maxamuud Cismaan Cilmi Deeq iyo dhamaan mas,uuliyiinta kaleba…………………………….

Waxaan hadaba aad iyo aad uga xumahay in qalinka madaxwaynuhu qaban waayo mudadii uu xilka hayey oo lix sano kor u dhaaftey mas,uul ama masuuliyiin kasoo jeeda beelaha kala ah #Madhibaan #Sheekh #muuse #Direed  #Anaas #Tumaal oo ah beelo balaadhan oo ka mid ah bulsho waynta SOMALILAND ilaa hadana aan dalka ku lahayn hal Wasiir gudoomiye gobol ama gudoomiye ku xigeen maayeer ama maayer ku xigeen Taliye Ciidan oo muqda midna……………………

Hadaba Mudane madaxwayne waxaan ku waydiiyey su,aal
Waxaad ahayd muddo sideed sanadood ah gudoomiyihii ururkii dhaqdhaqaaqa xoreynta wadaniga Soomaaliyeed ee SNM waxaanad taliskii waagaa jirey ku dhaliili jirtey cadaalad xumo iyo sad bursi  tiina maanta adigii baa samaynaya bal hadaba waa yaabe ma barigaasaad qaldaneyd mise hadaad saxsantahay sidee wax u jiraan waxaan filayaa waa suaal da,a waynoo madaxa daalineysa………………..……..

TALO SOO JEEDIN
Waxaan shacbi waynaha reer somaliland ugu baaqayaa in loo baahan yahay isbadal dag dag ah oo ku yimaada dariiqa sharciga ah si  umadda looga hor wareejiyo  taliskaan cadaalad la,aanta ku sifoobay………………….…..

waxan si gaar ah baaq ugu dirayaa madaxda dhaqanka JSL culumaa,udiinka dalka oo aan leeyahay war ilaahay SWT ka baqa oo dulmigaan ka hadla lagu hayo dadkaan muwaadiniinta ah hadii kale ilaahay waxuu idiinku salidi doonaa qoom idiinka xoog badan oo idin duleysta………………….………

Murti ayaa waxay ahayd rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac……………………..…………..

Balanteenu waa baabiinta dhaqanka xun ee hayb-sooca aafada qabyaalada dulmiga iyo xaqdarada…………………………

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….….

G……Ururka Cadaalada iyo sinaanta ee SIME
Ahna Qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed…………………….

Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran