Dhageyso C/qani Boolimoog “Deegaanka Ceeljaalle Amniga Ka Jira Wuxuu Gaaray Heer Askari Amisom Uu Ku Dhiirado Inuu Si Nabad Gelya Ah Ku Dukaameysto”

Gudoomiyaha Dibad jooga ah ee degmada Afgooye C/qani Yuuf (Boolimoog) oo socdaal indha indha ah ku jooga deegaano hoos yimaada Magaalada Marka ayaa wareysi uu siiyey Markacadey.com ku faafaahiyey safarkiisa.

Ugu horeyn Gudoomiye C/qani ayaa sheegay in socdaalkiisa uu kasoo bilaawday degmada Afgooye uu soo maray Nambar 50 ilaa ugu dambeyn uu kasoo gaaro deegaanka Ceeljaalle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Waxa uu amaanay Ciidamada deegaanka oo door muhiim ah ka qaatay sugidda ammaanka iyo nabad kusoo dabaalidda wadada dheer ee xiriirisa Laanta Buuro ilaa deegaanka Shalambood.

Dhanka kale waxa uu is barbar dhig kusoo sameeyey deegaanada ay maamaulaan dadka deegaanka kuwa ay joogaan Maleeshiyada dowlada.

Dhageyso Warerysiga Gudoomiye C/qani.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran