Dhageyso Gudoomiyaha Baraawe Oo Sheegay In Maalinta Berito Ah Ay Soo Dhaweenayaan Madaxweynaha K/Galbeed, Isagoo…..

Waxa maanta Safar laga sugayey Degmada Baraawe ka baaqsaday Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Shariif oo maamulkiisa uu laba sano jirsaday ayaa doonayey in uu maanta xariga ka jaro Madaxtooyada Maamulkiisa oo bilooyinkii ugu dambeeyey dhisme uu ku socday.

Gudoomiye Degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey baaqashada safarka Madaxweynaha waxaana uu sheegay in maalinta Berita ah uu ku beeganyahay Baraawe oo amnigeeda si weyn loo xaqiijiyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE