MAQAAL: 34 Sanno Jir Maaro Looga Waayey Shabaqa – Sirta Ka Dambeysa Qaab Ciyaareedka Joogtada Ah Ee Zlatan Ibrahimovic

Weeraryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey afar gool seddaxdiisii kulan ee ugu horreeyey ee uu xirto maaliyadda kooxdiisa cusub ee Manchester United, waxaana caawa oo Sabti ah laga filanayaa inuu barbareeyo rikoor muddo 91 sanno ah u yiilay Man United marka ay wajahdo kooxda Hull City.

Ma jiro ciyaaryahan Man United ah oo shabaqa soo taabtay kulan kasta oo ka mid ah afartiisa ciyaarood ee ugu horreeya ee kooxdaan tan iyo Jimmy Hanson kaasoo sidaas sameeyey sannadku markuu ahaa 1924kii. Balse ka dib goolashii uu ka dhaliyey kooxaha Leicester City, Bournemouth iyo Southampton, Zlatan ayaa caawa geli kara diiwaanka kooxda ka dhisan Old Trafford.

34 sanno jirkaan ayaa Man United si dhaqsi ah ugu yeeshay saameyntii uu ka doonayey tababare Jose Mourinho. Waxaana qoraaga maqaalkaan uu aaminsan yahay in haddii Zlatan uu sidaan kusii socdo uu gaari karo saameyntii uu Eric Cantona ku yeeshay kooxdan 20 sanno ka hor.

Zlatan-Ibrahimovic-1-1

Si kastaba ha ahaatee, miyaaney kaa yaabin inuu halyeeyga reer Sweden weli qaab ciyaareed cajiib ah kusoo bandhigayo heerka ugu sarreeya kubadda cagta isagoo 34 sanno jir ah. Weliba tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa fikir ahaan qaba inuu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ahaa midkii ugu fiicnaa ee uu Ibra maro xirfaddiisa kubadda cagta markaasoo uu 50 gool u dhaliyey Paris Saint-Germain 51 kulan oo uu u saftay – PSG ayaana seddaxleey koobab ah hanatay.

Zlatan ayaa laba gool dhaliyey iyadoo PSG ay finalka Coupe de France 4-2 uga qaaday Marseille. Halka uu 34 gool dhaliyey 31 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah. Xirfaddiisa PSG ayuuna soo afmeeray isagoo u dhaliyey 156 gool 180 kulan oo uu u saftay, waana rikoor uu u sameeyey kooxdaas. Zlatan ayaana beeniyey aragti kasta oo shaki gelineysay awood ciyaareedkiisa iyo in uusan la qabsan karin horyaalka xoogan ee England Premier League.

“Waa inaad iska ilowdaa dhallinta ugu qoran baasaboorkiisa, waa inaad iska ilowdo inuu yahay 34 sanno jir sababtuna waxay tahay jirkiisa iyo maskaxdiisuba uma muuqdaan sida inuu yahay shaqsi 34 sanno jir ah,” hadalkaas waxaa laga qoray tababare Mourinho ka dib markii uu Ibra shabaqa kasoo taabtay Bournemouth laba Isbuuc ka hor.

Zlatan-Ibrahimovic-4

Xiddigii hore ee kooxaha FC Malmo, Ajax, Juventus, Inter Milan, Barcelona iyo AC Milan ayaa 13 horyaal ku guuleystay 17 sanno oo uu ka ciyaarayey heerka ugu sarreeya kubadda cagta. Laakiin inkastoo uu mudadaas dheer soo ciyaarayey hadana daal kama muuqdo Zlatan. Wuxuuna nasiib u yeeshay in uusan marnaba dhaawac halis ah wajihin intii lagu jiray xirfaddiisa ciyaareed, ku dhowaad sagaal kulan ayuu garoomada seegay iyadoo laga dabiibayey dhaawac cagta ah laba xilli ciyaareed ka hor.

Maadaama uu lasoo shaqeeyey xiddigo sida Gianluigi Buffon, Fabio Cannavaro, Alessandro Del Piero, Patrick Vieira iyo Lilian Thuram ah markii uu joogay Juventus, Ibrahimovic wuxuu awood u leeyahay inuu khibraddiisa u gudbiyo xiddgaha dhallinyarada ah ee Man United. Waana shaqsi dareensan masuuliyadda weyn ee dhusha ka saaran maadaama uu u ciyaarayo Man United, wuxuuna diyaar u yahay inuu wax kasta u huro kooxdiisa.

Zlatan-Ibrahimovic-3-1

“Masuuliyad ayan u hayaa kooxdaan,” ayuu yiri Jimcadii ka dib markii uu laba gool ka dhaliyey kooxda Southampton. “Tababare Jose Mourinho wuxuu i saaray masuuliyad badan waana qaaday. Waxaana isku deyayaa inaan caawiyo dhammaan ciyaartoyda kale ee kooxda.”

Haatan, ciyaartoyda Man United waa ay eegaan Zlatan marka laga reebo kabtan Wayne Rooney isla markaana ay ka qaataan dhiirigelinta iyo tusaalaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan koobkoodii ugu horreyey ee England Premier League tan iyo markii uu kooxdaan ka tegay macalin Sir Alex Ferguson sannadkii 2013kii.

Maqaalkaan Waxaa Qoray Joornaaliiste Peter Staunton Oo Ka Tirsan Shabakadda Caalamiga Ee Goal.Com – Waxaana Soo Turjumay Tifaftiraha Shabakadda Ciyaaraha FM Ahmed Farah Jaangoan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran