Maxaa Sabab U Ah Kilaafka Wasiir Cakuse Vs W/Ku Xigeenka Cali Gadheer? W/Q: Drs. Xaliimo Ibraahim Xaamud

Wasiir cakuse ayaa si xoog ah isugu dhacsan yihiin wasiir ku xigeenkiisa mudane cali gadheer khilaafkan ayaa waxa sal dhig u ah oo ku kala fikir duwan yihiin isbedel uu doonayey inuu wasiir cakuse rabay inuu ku sameeyo isuduwayaasha qaar ay ka mid yihiin Dr Cali qudhaanjo oo ay ehel iyo saxiib yihiin wasiir ku xigeen mudane cali gadheer. bedelkan uu doonayey inuu fuliyo wasiir cakuse ayaa wax ku gacan saydhay cali gadheer oo si cad u diiday in la bedelo.

Wasiir cakuse oo sababaha uu eriga ama bedelka isuduwaha gobolka saaxil ahna dhakhtarka dekeda ayaa igu weyntahay in isuduwe cali qudhaanjo si cad oo aan jabasho lahayn uga hor yimi maalgalinta dekeda, cali qudhaanjo oo ay sxb dhow ahayeen cali xoor xoor ayaa ka midaysan qawadka heshiiska dp world la gashay xukumada oo cali qudhaanjo u arko in shaqadiisa ah dhakhtarka dekeda saamayn dhaqaale ku yeelo oo meesha ka baxdo,
Cali qudhaanjo oo ah nin saamayn badan ku leh berbera oo shaqaale badan oo muruq maala maamulaha ayaa dhawr jeer shaqaalihiisu ka qabqaateen banaan baxyadii iyo shirarkii jaraayid aya qabanayeen beesha ciise iyo muruq maalka dekeda iyo maxjarada.

wasiir cakuse oo wasiirka madaxtooyadu daba ka riixiyo ayaa si leh ku dhaqaaq eriga cali qudhaanjo lakiin waxa la sheegayaa in wasiir ku xigeenku mudane cali gadheer is casili doono.

Drs Xaliimo Ibraahim xaamud
Berbera,Somaliland

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE