Xiisad U Dhaxeysa Maamullada Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Taagan Gaalkacyo Iyo Barakac Bilowday (Sawiro)

Qax xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Waqooyiga, Waxaana  Qaxani uu sameeyay qoysas  farabadan oo dega Waqooyiga magaalada, kuwaasi oo ka cararaayay xiisad dagaal oo ka dhex oogantay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xiisado ayaa ka aloosan Xaafadda Garsoor, gaar ahaana halka loo yaqaano Xurfada sida ay soo sheegayaan dadka halkaasi ku dhaqan.

Xiisadaani ayaa waxaa lasheegay inay bilaabatay kadib markii qaar kamid ah dadka kunool xaafadda Garsoor ay ka biya diideen in dhismaha halkaasi laga wado uu siisocdo, aysana xitaa gorgortan ka geli doonin

Dhanka kale waxa jirta xiisad cirka mareysa oo u dhaxeysa isla labada Maamul oo ku muransan cidda soo abaabuleysa qaraxyada inta badan lagu weeraro waqooyiga Magalada Gaalkacyo oo uu maamulo Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa bilaabay dagaal afka ah oo ay isku marinayaan Warbaahinta labada Maamul ay adeegsadaan.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa amray in gaadiid ka socda Koonfurta oo ay maamulaan Maamulka Galmudug aanu gali karin waqooyiga, taas oo keentay xiiisadda labada dhinac.

1-12 2-14 3-8

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE