C/fataax Jannagale Oo La Kulmay Madaxda Hay’adaha Afrikaanka Ah Ee Ku Dhaqan Wadanka Poland (Sawiro)

Wakiilka Dhalinyarada Midawga Yurub u Qaabilsan Isku Xirka Dhalinta Aduunka mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac Jannaggale ayaa kulan tababar iyo wacyigelin ku aadan horumarinta dhalinyarada, waxbarashada iyo tababarada la qaatay madaxda hay-adaha Afrikaanka ku dhaqan wadanka Poland.

Kulanka oo diirada la saarayay qaabka iyo wadada ugu hufan oo ay hay-aduhu ku hormarin karaan hawlahooda ku aadan waxbarashada, dhalinyarda, tababarada,

Kulanka oo soconayay 2 cisho ayaa si bogaadin leh ku soo gabagaboobay, go aamo waxtar lehna ka soo baxay. Go aamadaas waxaa ka mid ah qorshe lagu hormarinayo degaanada Soomaaliya. Qorshahaas oo ah in 6 gobolood oo ay Soomaalidu degto laga fuliyo Mobile Veterinary Clinic. Qorshahaan oo ah mid horay dawlada Poland ooga fulisay wadan Kenya, noqdayan mid lagu guuleeystay.

Waxaa hada qorshahaan Mobile Veterinary Clinic in laga fuliyo deegaanada Soomaaliya hawsheeda wada Cilm Cabdi oo ah Gudoomiyaha Jaliyadaha Afrikaanka ee wadanka Poland iyo Cabdifataax Jannaggale, Waxaa maalgelinteeda ka qeeybqaadanaya hay-dada Polish Aid iyo Europe Aid.

Gudoomiyaha Jaaliyadaha Afrikaanka ee wadanka Poland, Cilmi Cabdi ayaa balanqaaday intuu noolyahay, inuu sii wadi doono dadaalkii iyo harumarkii uu alaha unaxariistee marxuun Cabdulqaadir Faarxa Gabeyre ka waday Soomaaliya. Alaha unaxariistee Cabdulqaadir Farah Gabeyre oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin 26kii bish September 2015 magaalada Muqdisho, baa wxuu ahaa shaqsi aad ugu hawlnaa fulinta mashruucyo harumarineed oo badan, magoolooyin badan oo Soomaaliya ka mid ahna mashruucyoo badan ka fuliyay.

Talaabadan uu hada u istaagay Gudoomiye Cilm Cabdi ayaa ah mid kudayasho iyo garabistaag mudan, wuxuuna taageero buuxda ah weeydiistay Mudane aqoon yahan Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac Jannaggale oo ah khabiir dhanka maamulka iyo maaraynta ahna dhaqaalyahan, lataliya shirkadaha ganaacsiga ee waawayn iyo kuwa soo korayaba, isla markaana bixiya siminaaro la xariira maamulida iyo maaraynta ururada aan dawliga ahayn sida jaaliyadaha iyo ururada dhalinyarada iyo isboortiga, kuwa tacliinta, ama noocyada kala duwan ee u adeega bulshada saaxib dhow la ahaa, lana shaqeeyn jiray marxuun Cabdulqaadir Faarax Gabeyre.

Jannagale (1) Jannagale (2) Jannagale (3) Jannagale (4) Jannagale (5) Jannagale (6) Jannagale (7) Jannagale (8) Jannagale (9) Jannagale (10)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran