Gudoomiyaha G. Banaadir Oo Ka Xanaaqay Muuqaalkii Laga Duubay Isagoo Dharbaaxaayo Wiil Ka Soo Badbaaday Qaraxyadii Maqaayadda Banaadir Beach (Video)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale (Boorsaani) ayaa aad uga carooday Muuqaal laga duubay isagoo dharbaaxaayo wiil ka soo badbaaday Weerarkii iyo Qaraxyadii Alshabaab la beegsadeen maqaayadda Banaadir Beach.

Sidoo kale, Muuqaalka oo boobsiis lagu duubay maadaama aan la ogoleynin in la duubo xiligaas ayaa waxaa ka soo muuqday taliyaha Nabadsugidda C/laahi Gaafow oo u cago jugleynaayo dhalinyarada soo badbaaday.

Arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay dhalinyaro 7 saac ku dhex jirtay rasaas iyo qaraxyo in markii ay soo badbaadeen loogu sii daro jirdil iyo hanjabaado.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii ka soo badbaaday weerarka Banaadir Beach ayaa sheegay in Jirdil badan ay kala kulmeen Gaafow, Yuusuf Jimcaale iyo ciidamada ay wateen maadaama aan saxaafadda loo ogolaanin markii hore.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran