Hordhac: Man City vs West Ham, Iyo Kulamadii Xalay Laga Ciyaaray Horyaallada Kala Duwan Ee Qaarada Yurub

Goolhayaha cusub ee Manchester City Claudio Bravo ayaan la fileynin inuu ciyaaro kulanka maanta iyadoo Pep Guardiola wiilashiisa ay tijaabo adag ku mari doonaan Etihad Stadium marka ay soo dhaweeyaan wiilasha Slaven Bilic.

Cabalero ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado goolhayaha koowaad ee Citizens iyadoo Joe Hart uu wali la xanuunsanayo lugooyada Pep, sidoo kalana Slaven Bilic ayaa doonaya in kooxdiisa ay iska dhaqdo ceebtii kasoo gaartay UEFA Europa League markii guud ahaan tartankaas ay kasoo reebtay kooxda yar ee Astra Giurgiu.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Manchester City vs West Ham United

Tartanka: Premier League (Week 3)

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Kelechi Iheanacho ayaa la hubiyay inuusan dhib weyn qabin inkastoo dhaawac logoa saaray kulankii Steaue, dhanka kale Vincent Kompany, Bacary Sagna, Leroy Sane iyo Ilkay Gundogan ayaan dhamaantood diyaar u aheyn ciyaartaan.

Dhanka kale Slaven Bilic ayaa ka walwalsan dhaawacyada Dimitri Payet iyo Manuel Lanzini balse mid ka mid ah inuu taam noqdo ayuu ku haminayaa.

Mark Noble ayaa ciyaari doona kulankaan halka Havard Nordtveit uu seegi doono.

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

City ayaa lumisa kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada Premier League-ga gurigeeda ku qaabisho West Ham (8-guul 1-barbaro), halkaas guuldaro waxey heshay CIty September 2015 (1-2).

Sergio Aguero ayaa ka qeyb qaatay sideed gool, todobadiisii kulan ee ugu dambeysay kulamada Premier League ee uu wajahay West Ham United (lix gool, laba caawinaad).

Aguero ayaa dhaliyay 37-gool, 47-kulan oo Premier League ah oo uu wajahay kooxaha London kasoo jeeda, lix ka mid ah wuxuu ka dhaliyay West Ham oo uu sideed jeer wajahay.

Sergio Aguero ayaa noqday ciyaariyahanka afaraad ee rigoore dhaliyay labadiisa kulan ee ugu horeeya xili ciyaareedka Premier League-ga, (Duncan Ferguson in 2001/02, Frank Lampard in 2012/13 iyo Roberto Soldado in 2013/14) ayaa kaga horeeyay, balse mid ka mid ah kulanka sadexaad rigoore ma dhalin.

Shaxda Macquulka Ah:

Manchester City:

Caballero; Zabaleta, Otamendi, Stones, Kolarov; De Bruyne, Fernandinho, Silva; Nolito, Aguero, Sterling

West Ham United:

Adrian; Byram, Collins, Reid, Masuaku; Noble, Kouyate; Antonio, Payet, Tore; Valencia

manchester-city-west-ham-super-sunday_3772112

Natiijooyin kala duwan ayaa kasoo baxay kullamadii la ciyaaray shalay illaa iyo xalay iyadoo kulamada ugu xiisaha badan ay ka dhaceyn horyaalka Talyaaniga.

Napoli ayaa dhib la’aan uga badisay AC Milan,halka Real Madrid ay dirqi uga baxsatay Osasuna,iyadoo Juventus gool soo daahay ay guul ku qaadatay.

England – Premier League

Tottenham Hotspur 1 – 1 Liverpool- goolasha Milner iyo Rose.

Chelsea 3 – 0 Burnley- goolasha goolasha Hazard, Willian iyo Moses,

Crystal Palace 1 – 1 AFC Bournemouth

Everton 1 – 0 Stoke City

Leicester City 2 – 1 Swansea City

Southampton 1 – 1 Sunderland

Watford 1 – 3 Arsenal- goolasha Cazorla, Sanchez iyo Ozil.

Hull City 0 – 1 Manchester United – goolka Rashford

Italy – Serie A

Lazio 0 – 1 Juventus- goolka Khedira

SSC Napoli 4 – 2 AC Milan-  goolasha Callejon, 2gool Milik iyo gool uu iska dhaliyay Romagnoli, waxaa rooso qaatay Kucka iyo Niang.

Spain – La Liga

Eibar 1 – 0 Valencia

Osasuna 0 – 2 Real Sociedad

Real Madrid 2 – 1 Celta Vigo – goolasha Morata iyo Kroos.

Leganes 0 – 0 Atletico Madrid

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE