Magaalada Marka Oo Lagu Wado In Maamul Cusub Loo Magacaabo Iyo Kooxda Sharwadayaasha Oo Baadi Goob Ugu Jira Shakhisgii Bedeli Lahaa Xasan Cumarey (Xog)

Warar si hoose oo ay u heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa ku waramaya in dhawaan maamul cusub loo magacaabi doono Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Sida ay tilmaameyso warbixinnada la helayo Gudoomiyaha Maamulka Marka Xasan Cumarey ayaa lagu eedeeyey isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Koonfur galbeed inay musuqmaasuqeen raashiin lagu waday in la gaarsiiyo Shacabka Marka ku dhaqan.

Kooxda Sharwadayaasha ah ee isbaheysiga la ah Mooryaanta Habargidir ayaa dacwad ay u gudbiyeen Madaxweyne Shariif Xasan ku sheegay in si deg deg ah loo bedelo gudoomiyaha xilligan ku magacaaban Maamulka.

Kooxda Sharwadayaasha oo ay matalaayeen Ibraahim Cali Xaaji iyo Saaxiibka Awyare Abshirow ayaa dacwadooda ku saleeyey in Xasan Cumarey uu baalmaray ama ka hor yimid ballamo horey ay u dhigteen intaan kursiga loo magacaabin kuwaasoo ku caddaa in Gudoomiyaha uu ahaado shakhsi ku xiran xisbiga Sharta ah ee ka kooban qabqablayaasha Habargidir iyo Dhiigmiirtada Beesha Biimaa ee ku sugan Muqdisho.

Xisbigan ayaa hada sida la sheegayo baadi goob ugu jira shakhsigii ay ku bedeli lahaayeen Gudoomiye Xasan Cumarey, maadaama leysla qaatay in bedelayo, waxaana weli aan soo gacan gelin Mas’uul u hanqal taagaya kursiga Maamulka Marka .

Ibraahin Cali Xaaji oo boor isku qaranaya ayaa adeegsaday Saaxiibka qajafta yar ee ay ku weyntahay ilaalinta nidaamka xisbiga Sharta Awyare Abshirow in uu xulo shakhsiga la shaqeyn lahaa Xisbigan dhiigga Beesha Biimaal wax ku noqday.

Warbixin hoose oo la helaayo ayaa cadeysay in Ibraahim Cali Xaaji iyo Awyare ay xiriir la sameeyeen Hogaanka ciidamada Deegaanka oo ay ku wargeliyeen in Maamulka Marka uu bedel yahay, waxaana hogaanka uu ku adkeystay in Marka ay xor aheyn loona baahanyahay in laga qabto Mooryaan shaarar badan markaas  ka dib laga tashto maamulkeeda.

Ma jiraan shakhsiyaad u taagan xilkan oo gudbistay rabitaankooda, waxaana qof walba uu ka baqayaa jalaafada ay u dhigeen Maamulka Xasan Cumarey oo markii horey ay hor keeneen Shacabka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE