Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe Oo Dib Uga Furmaya Magaalada Jowhar

Shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaan weli ka furmin magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelada dhexe.

Wasaaradda arimaha gudaha ee dowlada fedaraalka ayaa dhawaan shaacisay in gogosha taalla Maamulka lagu dhisayo dib loo furi doono.

Sida ku xusneyd qodobadii kasoo baxay shirkii Madasha ee lagu soo gababeeyey magaalada Muqdisho in la dedejiyo dhismaha maamulka Labada Gobol, si ay u dhameystirmaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira inta aan la gaarin doorashada soo socota ee ka dhici doonta dalka.

Sida ay sheegayaan ila wareedyo muhiim ah shirka ayaa lagu wadaa in Todobaadkan gudahiisa uu ka furmo Jowhar, halkaas oo la isugu geeyey inta badan Ergada shirka ka qeyb galeysa ee kasoo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Madaxweynaha dowlada Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in markale uu dib u furo gogosha shirka, waxaana shirka mar la furey bishii Janaayo uu u xirxirmay Caqabado hor istaagay sii socoshadiisa.

Urur Goboleedka Igad iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guul dareystay in qaar ka mid ah Odayaasha dhaqan ee Hiiraan ay ku qanciyaan ka qeybgalka Shairka Jowhar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE