Hoos U Dhac Xoog Leh Oo Laga Dareemayo Qiimaha La Kala Siisto Khudaarta Suuqyada Ku Yaalla Koonfurta Soomaaliya

Wax hoos u dhac xoog leh laga dareemayaa qiimaha la kala siisto khudaarta kasoo go’do Beeraha, ee ay tacbadaan Beeraleyda Soomaaliyeed.

Waxa la xusuustaa bilooyin ka hor xilligii uu gurey Wabeiga Shabelle in ay qiimaha Khudaarta uu gaaray halkii ugu sareysay abid, waxaana suuqyada qaar la kala siisanayey lacag ka badan intii hore wax lagu gadan jirey.

Tusaale ahaan Yaanyada, Basbaaska, Basasha iyo Ansalaatada ayaa aad looga waayey Suuqa, waxaana xilligaas oomane noqday dhulka lagu beeri jirey dallaga Khudaarta.

9b283d9e40cddc3717cc

Xilligan oo meelaha qaar ay ka da’een roobab, wabigana uu biya keenay ayaa Suuqyada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya waxa si aad ah hoos ugu dhacay qiimaha Khudaarta la kala siisto.

Dadka iibiya Khudaarta ayaa kuu sheegaya in la joogo waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay soo go’ayeen dhammaan wixii dalag ahaa ee lagu beeray dhul beeraadka.

Khudaarta ayaa ka mid ah Cunnooyinka daruuriga ah ee ay isticmaalaan bulshada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran