Ku Simaha Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Oo Baydhaba Kulan Looga Hadlayey Adkeynta Amniga Kula Qaatay Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka (Video)

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi ayaa magaalada Baydhaba ku qaabilay wafdi ka socday Bulshada Caalamka.

Kulanka oo looga hadalayey adkeynta Amniga iyo nabad u raadinta deegaanada ay ka taaganyihiin xasilooni darada ayaa lagu casuumay dhamaan madaxda laamaha aniga iyo saraakiisha Ciidanka.

Wakiilada ka socday Beesha Caalamka ayaa Madaxda Maamulka Koonfur galbeed ku booriyey sameynta Ciidan lagu kalsoonaan karo oo hanta amaanka guud ahaan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur galbeed.

Magaalada Baydhaba oo xarun Kumeel gaar u ah Maamulka Shariif Xasan ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa ku qulqulayey wakiilo kala duwan oo ka socday beesha Caalamka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE