Ma Rumeysaneysaa In Nin Dhashay Sanadka 1870-kii Uu Weli Kugula Nool Yahay Aduunka Maanta (Video)

Nin u dhashay dalka Indonesia oo lagu magacaabo Mbah Gotho ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka ugu cumriga dheer dunida Casriga ah ee aan ku noolnahay. Wargeyska The Telegraph ayaa lagu daabacay in ninkan yahay ninka ugu da’da weyn aduunka.

Sida ku cad waraaqahiisa dhalashada, Mbah Gotho waxaa uu dhashay 31/12/1870, wuxuuna ku noolyahay magaalada SRAGEN ee gobolka Jawa oo ka tirsan dalka Indonesia. Da’diisa ayaa marka la xisaabiyey waxay noqotay 145 sano.

Mbah Gotho waxaa uu sheegay in xaaskiisa iyo Caruurtiisa ay wada geeriyoodeen xili hore isla markaasina xiligan uu la noolyahay caruur uu Awoowe u yahay.

Waxaa uu ninkan sheegay inuu qabrigiisa diyaarsaday sanadkii 1992-dii balse weli waxaa uu sugayaa Geeri sida uu hadalka u dhigaye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE