Nin Xoogsato Ah Oo Dadka Deegaanka Ah Ayaa Lagu Dilay Baadiyaha Degmada Lambar50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in maanta halkaas uu ka dhacay dil.

Sida ay sheegeyso warbixinta dilka ayaa loo geystay Nin lagu magacaabo Siidow Colow oo ka mid ahaa garab raratada deegaanka, waxaana la sheegayaa in dilka uu geystay ruux ku dhaqan dhulka deexda ah ee duleedka Raaxoole.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ruuxa la dilay iyo gacan ku dhiiglaha ay ku murmeen dhul laga jaraayey Jaawo (Xaabo) dhulkaas oo uu muran ka taagan yahay lahaanshahiisa.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay shabakadda Markacadey.com in gacan ku dhiig laha uu kasoo jeeda Xoolaleyda Abgaal oo xiliyada Jiilaalka xoolo daaqsi u yimaado deegaanadaasi dhaco deexda fog ee degmada Nambar 50 .

Xoolo dhaqato lagu soo dhaweeyey deexda ku dhirarsan Muuri ilaa xeebta Jasiira ayaa sanadihii lasoo dhaafay waday dagaal gacan ka hadal ah oo ay ku doonayaan in ay ku milkiyaan dhulka dhaqankiisa lagu soo dhaweeyey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE