Sarkaal Ka Tirsanaa Al Shabaab Oo Lagu Soo Bandhigay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Saraakiish ciidamada Nabadsugidda ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay sarkaal horey uga tirsanaa dagaalyahaanada Xarakada Shabaab.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahin Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa sida uu sheegay ahaa madaxii Shabaabka u qaabilsanaa dhanka Tacliinta ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Ibraahim Nadaara oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in arintan uu in mudda ah ka fakaraayey isagoo ugu dambeyn go’aansaday in uu isa soo dhiibo.

Mar uu ka hadlayey sababta ku dhiira gelisay inuu isku dhiibo dowlada fedaraalka ayaa wuxuu yiri “go’aankan waxa igu dhiira geliyo anigoo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo”.

gos gos1 gos2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran