Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho Oo Maanta Dibadbax Cabasha Ah Sameeyey (Sawiro)

Shaqaalaha ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dibadbax cabsha ah ku hordhigay albaabka laga galo Garoonka.

Dibadbaxan cabshada ah ayaa waxay kaga soo horjeedeen Shirkadda Favori ee gacanta ku haaysa Garoonka oo lagu eedeeyeen dhibaatooyin ay ka midyihiin xuquuq la’aan iyo cabshiiyin kale.

Sida qaar ka mid ah Shaqaalaha maanta shaqa joojinta smaeeyey ay warbaahinta u sheegeen Madaxda shirkadda ayaa shalay qeybiyey waraaqo ay ku qornaayeen amaro kasoo baxay Shirkadda Garoonka Maamusha, waxaana shaqaalaha y ku andacoodeen in xuquuqdii ay lahaayeen ay ka waayeen Shirkadda Favori.

Shaqada ka socotay Garoonka ayaa in mudda ah hakad gashay saake subaxdii, hasee haatee markii dambe ayaa shaqaalaha lagu qanciyey in ay dib ugu laabtaan howlahooda, waxna laga bedeli doono cabshooyinka ay soo jeedsadeen.

joojin joojin1 joojin2 joojin3 joojin4 joojin5 joojin6

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran