Walaal Fadlan Ka Qeyb Qaado Dayactirka Iyo Daboolidda Baahida Masjidka Maclin Taraarax Ee Ku Yaalla Degmada Nambar 50 (Sawiro)

Masaajidka Maclin Taraarx oo ku yaalla degmada Nambar 50 ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ku dhacay bur bur xoog badan oo kasoo gaaray dagaaladii halkaas ka dhacay ayaa dadka Muxsiniinta ah waxa loo weydiinayaa in ay ka qeyb qaataan dayactirka iyo baahiyaad ay soo gudbisteen Culimada Masaajidka Gacanta ku haaysa.

Masaajidkan oo ku yaalla Degmada Nambar 50 gaar ahaan xaafada Hormuud ayaa u baahan Dayactir xoog leh, Culimada Masaajdika gacanta ku haaysa ayaa soo gudbiyey baahiyaadka kala duwan oo ay ka mid yihiin Soolar, Makroofan, Darimo iyo dayactir.

Sida ka muuqdo sawiro laga soo qaaday Masaajidka waxa derbiga masaajidka ka muuqata Rasaas, sidoo kale masaajidka ma lahan wax Gogol ah oo lagu tukado, waxaana salaada lagu tukadaa Shamiindada. Culimo Masaajidka loogu aqriyo Kutubo ayaa iygana fariista Shamiindada.

Hadaba hadii aad ka qeyb qaadaneysid Dayactirka Masaajidka fadlan lasoo xiriir Nambarka 252615659107, si aad u heshid faafaahin dheeri ah, wixii dhaqaale ah oo aad ugu talagashay waxaad ku hagaajinta kartaa Akoon Salaam Banka 31188274.

Wixii maanta aad Masaajidka ku baxsatid waxay beri kaaga horeeyaan Aakhiro.

IMG_20160823_103640 IMG_20160823_103648 IMG_20160823_103651 IMG_20160823_103700 IMG_20160823_103704 IMG_20160823_103748 IMG_20160823_103758 IMG_20160823_103801 IMG_20160823_103835 IMG_20160823_103842

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran