Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Gudiga Hab-Dhowrka Baarlamaanka Maamulka Koonfur galbeed

Xildhibaan Maxaad Maxamed Ciise oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta waxa loo doortay Gudoomiyaha gudiga Habrdhowrka ee Baarlamaanka.

Kulan maanta ka dhacay howlka shirarka ee Baarlamaanka uu ku leeyahay magaalada Baydhaba ayaa looga dooday arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sameynta gudi hoosaadyada iyo Gudiga Habdhowrka.

Baarlamaanka ayaa gudiga habdhowrka u doortay seddax mudane oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Maxamed Ciise oo gudoomiyaha gudiga ah, Xildhibaanad Batuulo Xuseen iyo Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane.

0419

Dhanka kale mudanayaasha ayaa ka dooday Misaaniyad ay soo gudbisey Wasaaradda Maaliyadda oo 4 biloodle ah, waxaana sharxaad ka bixiyey Nuxurka Miisaaniyadaasi Wasiirka Maaliyadda Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur taas oo ugu dambeyn Baarlamaanka uu ansixiyey.

Kullanka waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa sidoo kale waxaa xubinimada Golaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed looga dhaariyey Xildhibaanad Fatxi Ibrahim Baaxuur oo bedeshey Xilidhibaanad hore Fadumo Abuu.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE