Xisbiyada Siyaasadda Ee Dalka Oo Kasoo Horjeestay Waraaq Kasoo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka (Video)

Xisbiyada siyaasadda ee dalka jira ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kasoo horjeestay waraaq laga soo saaray Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Warqadda uu soo saaray Gudoomiye Jawaari oo ku socotay Gudiyada doorashooyinka ayaa lagu sheegay in Odayaal dhaqameed cusub lagu kordhiyo 135-ta Odey ee soo xulay Baarlamaanka hada jira kuwaas oo loo igmaday in doorashadan ay soo dhisaan Baarlamaank cusub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE