Deg Deg Weerar Toos Oo Caawa Lagu Qaaday Guriga Uu Degenyahay Gudoomiye C/hi Waafow

Wararka naga soo garaaya degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelda hoose ayaa kusoo waramaya in kooxo hubeysan ay caawa weerar ku qaadeen Guriga uu degenyahay Gudoomiye C/hi Cali Axmed Waafow.

Weerarka oo ahaa mid toos ah ayaa ku biliowday sida ay dad goob joogayaal ah u shegeen Markacadey.com qoryaha garbaha laga tuuro, ka dibna uu xigay weerar dhowr jiha looga soo qaaday.

Ciidamada Ilaalada Guriga oo sameeyey iska caabin xoog leh ayaa ku guuleystay in dagaal xoogan ay la galaan kooxaha hubeysan, waxaana muddo nussa saac ka badan ka dib weerarka ku jabay dableydii weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa hada kacsan mana jirto sheeko dhab ah oo laga soo gudbin karo goobta lasoo weeraray hase ahaatee waxa jira Ciidan culus oo dul taagan Buushka ilaa deeghaanka Muuri.

Dableyda Weerarka qaaday oo la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Maleeshiyada Shabaab ayaa doonayey in nolosha ku qabsadaan Gudoomiye C/hi Waafow oo ilaa hada aan la xaqiijin karin meel uu ku suganyahay.

La soco wixii warar ah ee nagu soo kordha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran