Dowlada Talyaaniga Oo Badbaadisay Muhaajirin Doonaysay In Ay Galaan Dalalka Yurub

Hay’adda ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtey in maalintii shalay ee Isniinta ay badaadiyeen 65oo oo qof oo muhiijiriin ahaa, kadib ugu yaraan 40 hawlgal oo ka dhacay banaanka xeebaha dalka Liibya.

Dadka la badbaadiyey waxaa kamid ah ilmo yar oo jira 5 bilood iyo caruur kale oo aad u yar-yar, kuwaas oo lagu qaadey diyaarad lana geeyey isbitaal ku yaala Talyaaniga, sida laga soo xigtay hay’adda MSF oo ka qayb qaadatey badbaadinta.

Dadka ugu badan ee la soo badbaadiyey maalintii Axadda oo gaaraya 1100 oo qof ayaa u badnaa dad kasoo jeeda dalalka Ereteeriya iyo Soomaaliya.

Sanadkan gudihisa waxaa soo gaarey xeebaha Talyaaniga 112 000 kun oo qof kuwaas oo ka soo talaabey Badda dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran