Gudoomiye C/hi Waafow Iyo Abaanduulaha Ciidamada Deegaanka Col. Diite Oo Ka Badbaaday Dilal, Ka Dib Weeraro Lagu Soo Qaaday Nambar 50 Iyo Muuri

Gudoomiyaha degmada Nabad 50 C/hi Cali Axmed Waafow ayaa caawa saqdii dhexe ka badbaaday idku day dil oo ay la damacsanaayeen dagaalyahaano la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Shabaab.

Sidaan horey u sheegnay weerarka ayaa lagu daah furey dhowr baalooto oo Sawan ah (RPG) oo laba ka mid ah haleeshay qolka uu degenaa Gudoomiyaha, waxaana ujeedku ahaa in lagu burburiyo guriga uu ku jirey.

Ciidamada difaaca ugu jirey guriga Gudoomiyaha ayaa in mudda ah dagaalmay, waxaana markii dambe ay guriga ka bixiyeen Gudoomiye Waafow oo markii hore ka badbaaday baalootooyinka Sawanka ee gurigiisa lagu garaacay.

Iyadoo uu socday dagaalka oo aan weli lagu kala bixin ayaa waxa noo suura gashay in aan hubinno xaaladda uu ku suganyahay hogaamiye Waafow, waxaana uu noo sheegay in uu ka nabad qabo weerarka kooxaha Nolol u diidka Muwaadinka ay kusoo qaadeen degmada Nambar 50.

Dhanka kale Abaan duuliyaha Ciidamada Deegaanka Col Diite ayaa weerar lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Muuri ka badbaaday.

Rasaas si aan kala go’ laheyn loogu furey guriga Diide ayaan waxyeello u geysan Sarkaalka iyo qoyskiisa o guriga ku wada sugnaa, hase ahaatee waxa meesha ku dhintay xoolo u badan Lo’ oo gaaraya ilaa 7 neef.

Waa weerarkii ugu horeeyey oo dabley la tuhmayo inay ka tirsanyihiin Shabaab ay kusoo qaadeen weerar toos ah guryahaya ay kala degenyihiin hogaanka Ciidamada deegaanka, laakiin waxa horey u jirey falal kala duwan oo ay ku beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka.

Xerada uu ku sugnaa Gudoomiye C/hi Waafow ayaa ilaa hada aan laga haaynin wax macluumaad oo dheeri oo ku saabsan weerarka lagu qaaday.

Shabakadda Markacadey.com waxay idin balan qaadeysaa in aan usoo gudbin doonno warbixinno iyo xogo la xiriira weerarada Muuri iyo Nambar 50.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE