Puntland Oo Shaacisay Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Kala Jeedaan Shakhsiyaadkii Ka Dambeeyey Weerarkii Magaalada Gaalkacyo (Akhri Warsaxaafadeed)

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey liiska magacyada shaqsiyaad lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu war geliyey dhamman hay’adaha amniga Puntland in ay soo qab-qabtaan shaqsiyaadkaasi, isla markaan hor keenaan sharciga iyo caddaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hay’adaha amniga ee Puntland in ay soo shaqsiyaad ka tirsan kooxda al-shabaab ee geystey qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, falkaas oo ay naftooda ku waayeen dad badan, isla markaana ay ku bur-burtay hanti tiro badan.

Haddaba waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa qayb ka mid ah sawirrada iyo magacyada ururka Al-shabaab ee falkaasi ka dhacay xarunta dawladda Hoose iyo suuqii ganacsiga ee Xero dayax geystey.

1.Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”
Da’diisa: 40-45 sano jir,ku dhashay Gaalkacyo, Beeshiisa Cumar Maxamuud/ Reer Mahad, Shaqadiisa Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland.

2.Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”
Da’diisa 45 sano jir, ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle,Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf oo ku dhashay Gobolka Mudug, Beeshiisa Dir/ Qubeys.

4.Cabdishakuur Mire oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo,Beeshiisa Sacad/ Reer Nimcaale.

5.Muxiyadiin Dakharre oo ku dhashay Koonfurta Gaalkacyo, Beeshiisa Sacad / Reer Hilowle.

Sidoo kale waxaanu halkaan idiinku soo gudbineynaa magaca shaqsigii iskau isku qarxiyey xarunta dawladda hoose ee Gaalkacyo 21 Agoosto, 2016-ka, kaas oo gaarigii Noohada ahaa ee qaraxa geystey isku qarxiyey.

Cabdullaahi Fanax oo da’diisa: 22 Sano Jir ku dhashay Ceel-waaq Beeshiisa: Marreexaan/ Uur midig.

22-1 11-2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE