Qarax Ismiidaamiin Ah Oo Lagu Weeraray Hotel Ku Dhow Madaxtooyada Soomaaliya (Sawiro)

Waxa barqanimadii maanta qarax ismiidaamin ah lagu weeraray Hotel Syl oo ku yaalla kasoo horjeedka xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

In ka badan toban ruux ayaa la xaqiijiyey in weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha lags oo buuxiyey ay ku geriyoodeen halka dhaawaca uu kor u dhaafayo labaatameyo ruux.

Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday ayaa dhamaantood isugu jira Ciidamo iyo dad kale oo shacab ahaa kuwaas oo xilligii qaraxa dhacayey ka agdhawaa Hotelka la weeraray agagaarihiisa.

Weli lama soo warin in weerarka ay wax ku noqdeen mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, waxaana weerarkan ka hortagay sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee ku hadasha Afka dowlad Sonna Ciidamada amaanka ee ku sugnaa agagaarka Madaxtooyada.

01 02 03 04 07 08 15-1 17-1 18-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE