Warbxin Beesha Biimaal Iyo Degmada Nambar 50 Maanta Ma Ugu Horeyso Inay Marti Geliyaan Aas Wadareed W/q Cumar Ookar

Ka sokow gumeytihii Talyaaniga oo taariikhda ay soo warisay in maalin kaligeed Beesha Biimaal ay aasteen in ka badan 1000, qof oo fallaaro iyo alaba afley la hortaagnaa Cadow ay awoodiisa sareyso laakiin ninkii haaystaa ama ku dhegen Towxiidka Alle ay waxba la aheyn awood kasta.

Beesha Biimaal ayaa in mudda ah dagaal kula jirta Mooryaan kasoo hayaantay deegaanada Gobolada dhexe, Mooryaanta ayaa maaalinba siyaasad iyo wajiyo kale ku qabsaneysay dhulka Shabeelada hoose ee Beesha ay degto.

Mooryaanta ayaa dagaalkooda wajiyo kala duwan iyo dhaqaale intuba ku  bixinaayey sidii ay u milkin lahaayeen dhulka ilaa maanta laga soo gaaro in ay garab ka helaan Burcad Diimeed si sharci dara ah ku baneystay dhiiga Muslimka.

Aan usoo laabto Cinwaan Sheekadan, Beesha Biimaal maa Markii ugu horeysaa oo ay hal meel ku aasto Shuhado si dhib yar ah ku helay Geeri dadka ay ka doontaan dhulal fog.

.24-kii maarso 2014, Maalin Isniin ah Beesha Biimaal degmada Nambar 50, waxay aas wadareed ugu sameysay Sideed Odayaal dhaqameed oo kooxo burcad ah ay ku laayeen deegaanka Jamaaco duleedka degmada Buurhakaba.

.26-kii Abriil isla sanadkaas 2014 Maalin Sebti ay tahay deegaanka Muuri Beesha Biimaal waxay ku aastay shan Culimaa’udiin oo lagu laayey iyagoo ku jira Masaajid ku aqrisanayeen kutubo.

Laba Sano ka dib 19-kii Abriil sanadkan 2016 dhacdadii gilgishay ruuxa qalbiga fiyow leh, Beesha Biimaal deegaanka Dudumo waxay ku aastay lex Caruur ah iyo Ayeeyadood oo Mooryaan garab ka heleysa burcad diimeed ay ku gubeen guryahooda xilli habeennimo ah.

Maan gaabka ayaa xilliyadan marka laga gaaro oo uu jiro xanuun guud ahaan deegaanka gaar ahaan Beesha Biimaal ayaa ka quusta halganka muddada dheer socday, waxaana taas laga dhaxlaa in si fudud deegaanka lagu qabsado.

Hadaba Beesha Biimaal ayaa maanta Nambar 50 waxay ku marti gelisay aas wadeedreedkii ugu dambeeyey ee ay bideen Mooryaan diimeed ku qaraabata sharci islaam iyo ku dhaqan diimeed.

Habeenkii xalay ahaa markii uu dhacay weerarkii Nambar 50 iyo Muuri, waxa la helay halka ay jihada naga jirto iyo nooca aan nahay, waxaana taas ay keentay in la kala garto ku dhaqan Diin Islaam iyo sheegasho Diin islaam taas oo sida la fahmi karo kala laba ah.

Waxa qorey Afahayeenka Deegaanka Cumar Ookar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE