Akhriso Magacyada Iyo Beelaha Horjoogeyaashii Shabaab Ee Habeen Hore Weeraray Saldhigyada Ciidamada Madaniga Ku Leeyihiin Wadada Laamiga Isku Xirto Degmooyinka Afgooye Iyo Marka (Warbixin)

Shabakadda Markacadey.com oo xog-raadin qoto dheer ku sameysay Weerarkii fashilmay ee habeen hore lagu qabsan rabay saldhigyada ciidamada Deegaanka ee wadada Laamiga ah ee Afgooye iyo Marka ayaa waxaan xog badan ka helnay Ilo xog-ogaal ah oo kala taabacsan Dowladda Federalka, Maamulka Koonfur Galbeed iyo shakhsiyaad Alshabaab ka tirsan oo saluugsanaa weerarkan oo iyaga ula muuqday mid dano qabiil ay ku lifaaqneyd.

Laga soo bilaabo abaaro saacadda 1:45 AM habeen hore, Rasaas ayey labada dhinac sida roobka iskugu lisayeen ilaa uu waaga ka baryo oo Qoraxda soo baxday xiligaasoo Alshabaab iyo Maafiyadii weerarka ku wehelineysay ay ka carareen goobihii ay soo weerareen.

Xarumahii bartilmaameedka u ahaa Alshabaab sida saldhigga Lambar50 wey u dhowaan waayeen, dhammaan deegaanadii ay weerareen waa lagu jabiyey sida saldhigyada Muuri, Lambar50, Ceelwareegow iyo kuwoo kale,  waxayna Shabaabka la kulmeen dagaal ka duwan dagaaladii ay kaga barteen ciidamada dowladda Federalka oo 10 daqiiqo gudahooda aagagga dagaalka baneyn jiray markii saldhigyadooda lagu soo weeraro.

Yaa Alshabaab Ku Wehelinayey Weerarka

Alshabaab waxaa ku wehelinayey weerarkii habeen hore Kooxo 25 sano Xoog Ku Haysto Aseendooyin ku yaalo gobolka Sh/hoose oo sanadkii 2013-ka loo sameyay Urur la magac baxay “Iskaashatada Beeraleyda Gobolka Sh/hoose”, Kooxdaan oo fariisimo ciidan ku leh Aseendooyinka dhexdooda ayaa sanadihii la soo dhaafay Alshabaab ku qalqaalinaysay inay kala qayb qaataan duulaan lagu wiiqayo awoodda ciidamada Madaniga ah ee Laamiga dheer Amnigiisa suga isla markaasina dadka deegaanka ay sameysteen, waxay is tusiyeen kooxdan in dadka deegaanka oo hub qaato ay khatar gelineyso masaalixdooda.

Horjoogeyaashan oo adeegsanaayo qaab kasto oo u suurta gelinaayo inay beeraha shacabka sii haystaan ayaa sidoo kale waxay xiriir wanaagsan la leh Madaxda dowlada Federalka iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh.hoose, waxaa xiriirkooda dowladda Federalka u qaabilsan nin lagu magacaabo Cabdi Axmed Baafo oo mar soo noqday Wasiirka Beeraha Dowladda Federalka xiliyadii u dhexeysay 2012-ka ilaa 2014-ka. Waxay kooxdan Beeraleyda sheegato si toos ah xiligan u maamulaan degmooyinka Awdheegle iyo Jannaale oo dadka loo sheego inay Alshabaab haysato.

Bartamaha Bishii Ramadan ee naga dhamaatay, weerar ayey tuulo ku taalo duleedka degmada Awdheegle ku soo qaadeen Maleeshiyaadkan sheegto Beeraleyda gobolka ee Xaaraanta ku haysto Aseendooyinka, waxayna khasaaro xoog leh ay ugu geysteen shacab beeraley iyo xoolo dhaqato ah oo tuuladaasi ku dhaqnaa. Waxay dadka Sh/hoose kuu sheegayaan markaad ka wareysato arinta la xiriirto nimankaan sheeganeyso Beeraleyda waxyaabo laga naxo oo ah in Kooxdan ay qorsheynayaaan inay barakiciyaan dadka isla markaasina baabi’iyaan dhammaan tuulooyinka ku dhex yaallo Aseendooyinka Xoogga ay ku haystaan sida horey ay u baabi’iyeen tuulooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Busley Daa’uud, Abuuteey iyo Sagaaroole .

Hadafka Laga Lahaa Weerarka Alshabaab

Sida aan xogta ku helnay, Dhagar-qabeyaashan isa soo biimeeyey hadafkooda wuxuu ahaa sida soo socoto:

1- In la wiiqo Awoodda ciidamada madaniga ah ee dadka deegaanka sameysteen kuwaasoo ka howlgalo wadada Laamiga ah ee isku xirto Afgooye ilaa magaalada Marka(In gacanta dadka deegaanka laga bixiyo deegaanada istaraatijiga ah).

2- Haddii ay Shabaabka u suurta gali lahayd inay bartilmaameedkooda qabsadaan gaar ahaan Saldhigga ciidamada degmada Lambar50, wuxuu qorshaha xigo ahaa in Filim been-been ah la jilo. Taasoo ah in ciidamo ku diyaarsanaa deegaanada Carbiska iyo Ceelasha Biyaha oo lagu balamay in iyagoo qaab ciidan dowladeed ah Shabaabka ku soo weeraraan Lambar50 isla markaasina Shabaabka banneeyaan halkaasi, sidaasi lagu hirgeliyo hammiga lagu qabsan lahaa magaalada Lambar50.

3- Ciidamadan lagu diyaariyey Carbiska iyo Ceelasha Biyaha ee bedeli lahaa Shabaabka haddii ay qabsan lahaan dhulkaasi, waxaa dusha kala socday oo wax ka ogaa abaabulkooda maamulka K/Galbeed iyo Dowladda Federalka, waxaa maalgelinayo ciidamadan Xildhibaan Xaaf iyo Kooxda sheegato Beeraleyda, qorshahaan oo aad loogu dadaalay inuu Sir ahaado ayaa wuxuu soo shaac baxay markii uu weerarka fashilmay.

Magacyada Horjoogeyaashii Dagaalka Hogaaminaayey

Shabakadda Markacadey.com ayaa sidoo kale heshay magacyada qaar ka mid ah horjoogeyaashii hogaaminaayey weerarkii fuleynimada ee habeen hore lagu soo qaaday saldhigyada ciidamada madaniga ee deegaanada Muuri, Lambar50, Aala Yaasir, ilaa Ceelwareegow oo ah duleedka Waqooyi ee degmada Marka. Waxaana hoos idinku soo gudbinaynaa maculuumaad ku saabsan horjooge kasto sida magaca horjoogaha, qabiilkiisa, deegaankiisa, xilka uu u hayo Alshabaab iyo goobaha uu ka howlgalo.

1- Horjooge Axmed Jilacow – wuxuu u dhashay beesha Habargidir/Ceyr, deegaankiisa waa Guriceel/Galgaduud, wuxuu madax u yahay ciidamada Alshabaab ee deegaanada Sabiid, Caanoole ilaa Mareerey ee gobolka Sh.hoose, waana xubin firfircoon oo ka tirsan kooxda xoogga ku haysato Aseendooyinka ee sameystay ururka “Iskaashatada Beeraleyda Gobolka Sh/hoose”.

2- Horjooge Xareed – Wuxuu u dhashay beesha Duduble, deegaankiisa waa Ceelgaras/Ceelbuur/Galgaduud, wuxuu madax u yahay ciidamada Alshabaab ee ku sugan degmada Awdheegle iyo Bariire, wuxuu xoog ku haystaa Aseendo ku taalo inta u dhexeeyo Awdheegle iyo Jannaale.

3- Horjooge Muniir – Waa Duduble, deegaankiisa saxda ah ma helin laakin wuxuu Alshabaab uga soo biiray magaalada Muqdisho, ninkani waa hogaanka Zaadka iyo Gaadiidka Alshabaab ee gobolka Sh/Hoose.

Waxaa jiro horjoogeyaal kale oo aan magacyadooda helin kuwaasoo ka kala tirsan dhinacyadii habeen hore weerarka fashilmay ku soo qaaday deegaanada u dhexeeyo Afgooye iyo Marka, dib ayaan ka soo gudbin doonaa wixii macluumaad dheeraad ah oo aan ka helno.

Shabakadda Markacadey.com waxay sidoo kale ogaatay in xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh.hoose ay qayb ka abaabuleen Weerarkii habeen hore lagu soo qaaday saldhigyada ciidamada deegaanka ee Muuri, Lambar50 ilaa magaalada Marka, xogta aan aruurineyno markey soo dhameystiranto ayaan soo gudbin doonaa magacyada xubnaha maamulka gobolka ee ay ku cadaato ku lug lahaanshiyahooda weerarka.

Arinta xiisaha gaarka ah leh ayaa ah in Shabaabka ka dagaalamayey sanooyinkii ugu dambeeyey gobolka Sh/hoose inay isku bedeleen maleeshiyo beeleed taasoo xataa sababtay in kooxda Alshabaab bedelaan horjoogihii Shabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose Abuu Cabdalla (Xiireey) kadib markii uu meel fagaare ah ka iclaamiyey inuu la dagaalamaayo beesha Biimaal oo beelaha gobolka Sh.hoose ka tirsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran