Booliiska Mareykanka Oo Sameeyey Arin Ka Careysiisay Dadka Madow Kadib Markii Hooyo 84 Jir Madow Ah Ay Indhaha Uga Buufiyeen Basbaas(Video)

Hooyo 84 jir ah ayey Booliiska dalka Mareykanka indhaha uga buufiyeen Basbaas kadib markii gurigeeda ay ku soo jebiyeen gurigeeda oo ku yaalo magaalada Oklohama ee dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa la sheegay inay raadinayeen wiil ay dhashay Hooyadan oo sida la sheegay sameeyey arimo la xiriiro sharci jabin.

Geneva Smith oo ah hooyada Basbaaska lagu buufiyey ayaa ka soo jeedo dadka Mareykanka madow oo waayahan dambe ka cabanaayey xadgudubyo ay sheegeen inay kala kulmayaan Booliiska dalkaasi.

Kaamirooyin ku rakiban dharka labiska u ah Booliiska ayaa duubtay dhacdadan oo dad badan oo mareykan ah ka careysiisay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE