Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Oo Amaankiisa Si Weyn Loo Adkeeyey Iyo Diyaaradaha Caalaamiga Oo Bilaabay Inay Kusoo Degaan (Sawiro)

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa horumar dhinacyo badan ah, waxaana garoonka maalin kasta kasoo dega Diyaarado badan oo isaga kala goosha Wadamada Caalamka.

Diyaarada Caalamiga ah sida Diyaarada Turkish Airweys ayaa garoonka kasoo dega kuwaa oo rakaabka kasoo qaada Wadamo badan oo Caalamka ku yaala, waxaana garoonka hada u muuqda mid hormar badan kusii talaabsanaya

Amaanka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana garoonka ka howlgala ciidamada amaanka oo tababar dheeri ah la siiyay, waxaa sidoo kale amaanka garoonka ka qeyb qaata eeyo loo tababaray Urinta waxyaabaha qarxa.

Inkastoo amaanka Garoonka si aad ah loo sugay hadane waxa jira xilliyada qaarkood in gudaha iyo hareeraha Garoonka ay ka dhacaan falal argagaxisa ah oo lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah

maru_1 maru_2 maru_3 maru_4

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran