Waa Tuma Musharaxada Muna Ahmed Abdalla Diana Oo U Sharaxan Aqalka Sare 2016?.

Muna Ahmed Abdalla (Diana) waa Abwaanad waxayna raad taariikheed oo aad Dahabi u ah ku dhex leedahay Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Gaar ahaan Shacabka Reer Puntland.

Waa Abwaanad Alle ku manaystay Samaynta Suugaanta gaar ahaan dhanka Gabayadda oo ay aad caan ugu tahay Illaahayna waxuu siiyay cod haybad ah oo qofkii mar dhagaysta waxa 1aad ee niyadiisa kusoo dhacaya uu yahay mar 2aad inuu ku ceshada Codka Toolmoon Iyo Suugaanta Xigmadaysan ee Maankiisa dhex qaadday.

Abwaanad Muna Ahxmed Abdalla Diana waxay muddo aad u dheer kamid ahayd Tiirarka ugu Muhiimsanaa qurbajoogta Soomaliyeed ee wadanka Ingiriiska degan , waxay tirisay Gabayo aad u badan oo in badan oo kamid ah ay ku qotomeen dhiiro gelinta sidii somaliya oo mid ah laysugu keeni lahaa Iyo Diidmada Faragelinta shisheeye iyo qabyaalada somali dib u dhigtay.

Sidoo kale waxay Abwaanad Muna Ahmed Diana tirisay Gabayo badan oo dad Soomaaliyeed ay ugu sheegayso wanaaga ay Soomaalinimadu leedahay Iyo inay ka gudbaan Dagaalada Sokeeye ee Lix Iyo Labaatanka Sano soo daashaday.

Inkasta oo sida aan kor kusoo xusay ay Abwaanad Diana tahay Abwaanadda Qaran waxay hada u taagan tahay iney ka mid noqoto aqalka sare dowladda soo socota waxay Go,aansatay ineey Aqoonteeda Dib ugula soo laabato Dalkeeda Waxeeyna balanqaaday inay si hagar la’aan ah ugu shaqaynayso dadkeeda iyo Dalkeeda Waxeeyna gaar ahaan xustay in ay Deegaamada ay ka soo jeedo ayna wax muuqda ka qaban doonto ayadoo xooga saaridoonta horumarinta caafimaadka Siyaasada iyo waxbarashada Dhamaan Xaquuqda Deegaamada ay ka soo jeedo

Si kastaba ha ahaatee ku soo biirida Muna Diana ayaad xamaasad ku sii kordhinaysa Tartanka loogu jiro hanashada kuraasta aqalka sare ee Puntland ayadoo durbadiiba heshay Muna Diana taageerada Waxgarad iyo dhalinyaro badan oo Rumeysan ineey Tahay Aqoon yahanad Matali karta Beesha Ay kasoo jeedo waxaa lagu kala bixidoonaa doorashada Dhawaan ka dhici doonta Dalkeena Somaaliya

1-Muna Ahmed Abdalla waxay ku dhalatay Magaalada Muqdisho 1965tii Waxbarashadeeda hoose,dhexe iyo sareba waxay ku dhameysay Muqdisho.

2-Sanadkii 1986 waxay bilawday kuliyadii gahayr sharciga iyo dhaqaalaha waxayna dhameysay 1990kii .

3-Sanadkii 2010 ayey bilawday jaamacada London Queen Mary University waxayna dhameysay sanadkii 2014ka

Hadaan Nahay Dalllada qurbajoogta Puntland ee Yurub Pedan waxaan u rajeyneynaa Diana guul

Camey Gas UN

NN

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE