Dhageyso “Keenyooy Kaadso Illayn Kibirka waa Lagu Kufaaye” (Warbixin)

Waxaa maalintii shalay Magaalada Heeg ee Carrriga Nederland ka bilowdey dhagaysiga Dacwaddii Muran Badeedka ee u dhaxaysey Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Nayroobi ayaa waxaa ay halkaa isugu keentay Qareeno iyo Sharci Yaqaano ka kala socday Dalalka Maraykanka, Faransiiska Ingiriiska iyo Keenya kuwaasoo dhammaantoodaba diiradda Saarayay hal aragti oo keliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka Keenya ayaa qodobadii uu Maxkamadda soo hor dhigay waxa ay ahaayeen laba Qodob oo keliya kuwaasoo kala ahaa.

1-In uu jiro Heshiis is af garad oo hore u dhax maray Dalalka Soomaaliya iyo Keenya.iyo

2-in Dacwadani aanay khuseyn isla markaana aysan qaadi Karin Maxkamadda Denbiyada Caalamiga ee loo soo gaabiyo ICG, sidaas darteedna aysan habooneyn in xiligan Soomaaliya arrimahaas ay hor keento ICG.

Xukuumadda Nayroobi ayaa weli ku adkaysanysa  mowqifkeedii ahaa in arrintan si hoose loo dhameeyo ayna ka wada hadlaan labada Dal ee Keenya iyo Soomaaliya sidii ay horeba arrintaa ugu gaareen Heshiiskii ay sheegeen in is af garad uu ahaa.

Maanta waa maalinteenii, waa Maalintii Soomaaliya dhankeeda ay soo ban dhigi lahayd waxa ay Dacwadda ka tahay iyadoo halkaasina ay ku sugan yihiin Sharci Yaqaano Soomaali iyo ajaaniiba isugu jira, Aqoonyahano iyo Khuburo ku xeel dheer arrimaha Badda Soomaaliya kuwaasoo  kaashanaya aqoontooda iyo Dekumintiyo caddeynaya lahaanshaha dhabta ah ee Soomaaliya

Durbaba waxaa muuqanaya Ifafaale Guul dhanka Soomaaliya u soo jan jeerta maxaa wacay aragtiyadii la qaaday saacadihii la soo dhaafay waxa ay muujinayeen gebi ahaantoodaba in Baddu aanay qaybsamin Soomaaliyana ay tahay tan iska leh Baddaas oo uu Caalamku aqoonsan yahay.

Waxaan shaki ku jirin in Maanta Soomaaliya Dibad iyo Dalba ay ka midaysan yihiin arrinta Biyaha Soomaaliya oo Xukuumadda Keenya sida Indho la’aanta ah ay ku dooneyso, waxaana isa soo taraya Taageerada Shicib iyo siyaasiinba ay arrintaa u hayaan.

Aqoonyahanada qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa si feejignaan iyo Taxadar badanba uu ka muuqdo arrintaa ula socda waxaanan soo qaadanayaa Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha uu xilkiisii dhamaaday  mar uu dhawaan ka hadlay arrintaas oo ay tahay markii labaad ee uu ka hadlo ayaa yiri…………..

Keenyooy Kaadso Illayn Kibirka waa lagu Kufaaye, waxaa kalsooni buuxda Dhegaha Shacabka Soomaaliyeed ku dhibciyay Dr Axmed Cali Daahir  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Laab qaboojiyay………….

taasaana Soomaaliya oo dhan gelinaysa Kalsooni Buuxda oo ay ku qabaan Ergeda iminka ku sugan Heeg iyo Guusha ay soo hoyn doonaan.

Sidoo kale Garsooraha Maxkadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr Muqtaar Nuur Abuukar ayaa dhankiisa muujinaya……………..

Si kasta ha ahaatee Rajadeenu waa Guul, Midnimo iyo isku duubni, waxaanan leenahay Kenya iyo inta arrintaa ku taageeraysa Keenyooy Kaadso Illayn Kibirka waa lagu Kufaaye.

W/Do. Ustaad Aadan Macalim Aadaamo.

E-mail aadaamo2@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE